U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Xildhibaannada Ku Tilmaantay Koox Rabto Iney Dhagar-qabayaashu Helaan Xogta Qaranka

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga qaranka oo ka hadashay kulankii sabtidii ay golaha shacabka ugu yeereen hey’adaha amniga ayaa ku tilmaantay in ay xildhibaannada ay doonayeen in kor loola jahro xogaha amniga qaranka.

Wasaaradda oo arrinkaas ka hadleyso “Ruuxa Currinaya in kor loola jahro xogaha Amniga ee qarsoodiga ah sow curyaamin lama maaggana istaraatijidda iyo xeer-hoosaadka Qorshayaasha Amniga.

Inkastoo taagtooda oo aad u koobnayd ku hagtay meel-marin la’aanta ajandahooda haddana Laamaha Amnigu waxay ka dhex jilaabteen kulankaas xogo muhiim ah oo baahi weyn loo qabay.

Dhinaca kale, wasaaradda ayaa koox tiro yar iyo cunfi wadey, rabana iney xagjirka ogaadaan sirta ku tilmaantay xildhibaannada diidaa in weriyeyaasha dibadda loo saaro “Aqoonta ugu yar ee laamaha Amnigu ka kororsadeen matalayaashii tirada koobnaa ee doonistoodu ahayd inay cunfi ka dhex abuuraan Golaha Shacabka waxay ahayd inay lahaayeen ujeedo iyo hadaf u ekaa “BAAHINTA XOGTA AMNIGA” Si ay uga Warhelaan Dhagar-qabayaashu balse Waxay matalayaashu isku soo xoqeen geed hadhweyn oo ah inay SHACABKA u doodayeen, balse waxaa daaha ka feydmay in Dhagarqabayaashu Adeegayaal dhagaatiyo “Dhago-fudud” ku dhex leeyihiin Golaha Sharci dajinta.

Sharciga caalamku Isla-xisaabtan ayuu qeexayaa, laakiin marnaba dhigaallada caalamiga laguma qorin in xasaanad bulsho loo hibeeyo Argagaxiso;, Siraha Amniga oo lala wadaago fagaarayaasha waxay dhali kartaa huq kale iyo hanaqaadka “Xoogaysiga” Nabad-diidka.

Lama oga in dib loogu yeeri-doono hey’adha, laakin waxaa fashil ku dhammaadey kulankii sabtida loo balansanaa.

Goobjoog News