U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Qaranka oo Soo Bandhigtey Meydad Dagaalyahanadii Weeraray Xalane (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maxamed YuusufAfayeenka wasaaradda amniga qaranka Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa saxaafadda usoo bandhigey 4 meyd oo uu sheegey in ay yihiin dagaalyahanadii Alshabaab ee weerarka ku qaaday xerada AMISOM ee Xalane.

Afayeenka ayaa sidoo kale sheegey in ay gacanta ku dhigeen 4 ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab ee xarunta weeraray, isaga oo sheegey in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hawlgalka ka qeybgaleen.

Mar uu ka hadlayay qasaaraha soo gaaray AMISOM ayuu sheegey in 3 ka mid ah dadka kookayaasha ah ee cuntada kariya iyo qof ka mid ah shaqaalaha rayidka garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ay ku dhinteen weerarka.

Maxamed Yuusuf waxa uu ugu dambeyntii sheegey in weerarka uu fashilmay, islamarkaasina aanan laga gaarin ujeedkii laga lahaa, iyada oo maalin kasta lasoo qaldo dhalinyaro.

Dhageyso

Goobjoog News