U bood dhigaalka

Wasaaradda Arimaha Dibedda oo la kulantay gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arimaha Dibedda

Sheeko:War

ducaaleWasaaradda Arimaha Dibedda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadatay Gudiga Arimaha dibedda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo looga tashanayay qaabka loo badalayo Safiirada soomaaliya u fadhiya wadamada Caalamka.

Wasiirka arimaha dibedda ee Dowladda federaalka soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbaahinta u sheegay in wasaaradu ay kulankan kula tashaneyso gudiga arimaha dibeda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Iyadoo la qorsheynayo dhawaan in la fuliyo qorshaha ay horay u shaacisay wasaaradda ee ahaa in 31-safaaradood lagu soo koobo safaaradaha Dalka uu ku leeyahay wadamada caalamla si loo tayeeyo safaaradahaasi.

Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Wasaaradda Arimaha Dibadda ay sheegtay in 31 wadan oo kaliya ay Safiiro u dirsan doonaan.