U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Beenisey Warkii Kasoo Yeerey Kenya ee Ku Sabsanaa Dhulbadeedka

Sheeko:Caalamka

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu beeniyey war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Kenya oo ahaa in Soomaaliya ay xaqiijisey in ay ka laabanayso dacwaddii maxkamadda adduunka ee muranka dhul badeedka labada dal ay isku heystaan.

Hadaba war saxaafadeedka dowladda ayaa u qornaa sida soo socota.

Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Caalamiga Ee Cadaaladda ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay

Goobjoog News