U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Federaalka Oo Ka Gaabsatay Magacaabidda Dalka Dhex-Dhexaadin-Doona Soomaaliya Iyo Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo saaka wareysi siiyay BBC laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in dal walaal ah uu dhex-dhexaadin doonno Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Cawad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri ‘Waxaa kale oo ka soo baxay in heshiiskii dekadda ku saabsanaa, oo innaga aan ka muujiney in aanan raalli ka aheyn, markii aan damacney in aan eedeyno ayaa dal walaal nala ah, oo xiriir fiican innaga iyo Imaaraadkaba leh ayaa yiri: innaga ayaa arrintaasi dhex galeyna ee ha naloo daay”

Haddaba, Goobjoog News oo ka ambo-qaadeysa wareysigaasi ayaa waxaa ay xiriir la sameysay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Xiriirro kala duwan kadib, waxaa noo suuro-gashay in aan la hadalno Wasiiro dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyre Cabdi, innaga oo weydiiney magaca dalka dhe-dhexaadinaya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Cabdulqaadir Axmed Kheyre Cabdi, waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego magaca dalka“Wasiirka waa uu ka gaabsaday, arrinta waa jirtaa, laakin hadda lama sheegi karo dalka oo waqti ku haboon ayaa sheegi-doonnaa” sidaasi ayuu ku jawaabay.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Jaamacadda Carabta, si wax looga qabto fara-gelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya gaar ahaan heshiiska Berbera.

Goobjoog News