U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Nuqul Kamid Ah Warqadihiisa Aqoonsiga Ka Guddoontay Danjiraha Cusub Ee Czech

Sheeko:Dalka

 

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Czech u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Karel Hejč.

Wasiir Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa u rajeeyay Danjire Karel Hejč inuu guul ka gaaro howlaha loo igmaday, kana shaqeeyo xoojinta xiriirka iskaashi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Czech.

Dhankiisa, Safiirka Czech waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu dalkiisa u matalo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhido in markii ugu horreysay ergadooda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay howlgasho, waxaana uu yididiillo ballaaran ka muujiyay howlaha horumar ee siyaasad iyo amni ee ay Soomaaliya ku naalooneyso.
Waxaa xusid mudan in ka guddoomidda warqadaha danjiraha cusub ee Czech ay ka dhigan tahay waa cusub oo u dhashay labada dal, iyada oo uu hore u jiray xiriir saaxiibtinimo aad u qoto dheer oo xilliyo kala duwan oo siyaasadeed lahaa.

Xiriirkan ayaa ku sal go’an xiriirkii faca weynaa ee Soomaaliya kala dhexeeyay Jamhuuriyaddii Hanti wadaaga Jekeslofak – Czechoslovak Socialist Republic (CSSR)- “Československá socialistická republika” oo soo taagnaa intii u dhexeysay 1960-1990.

Jamhuuriyaddii Hanti wadaaga Jekeslofak waxa ay Soomaaliya ka caawisay dhanka warshadeynta iyo tababaridda farsamayaqaano heerkoodu sarreeyay oo wax soo saarka dalka horumariyay, taasi oo horseeday in dalku sameeyo kobac dhaqaale.

Jekeslofakiya – Československo – “Czechoslovakia” ayaa si nabadgelyo leh u kala furfurantay January 1, 1993, waxa ay u qeybsantay laba dowladood oo kala ah Jamhuuriyadda Jeek “Czech Republic” iyo Jamhuuriyadda Islofak “Slovak Republic”.

cc5 cc4 cc3 cc2 cc1