U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka Hadashay War-murtiyeedkii Beesha Caalamka ee Go’aankii kala Qaadista Doorshooyinka

Sheeko:Dalka

Wasiirka  arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta qaar ayaa sheegay in go’aankii madaxweyne Siilaanyo ee kala qaadista doorashooyinku uu ahaa mid ay Axsaabta siyaasaddu u igmatay isla markaana aan fudeyd lagu qaadan, xasilloonida maamulkana lagu dhawrayo.

Dr; Sacad Cali Shire oo ka jaawaabay war-murtiyeed dhawaan ka soo baxay beesha Caalamka oo madaxweyne Siilaanyo looga dalbay inuu dib uga noqdo go’aanka lagu kala qaadayay dooashooyinka ayaa yiri; ” Madaxweynuhu go’aan buu qaatay, go’aan uu fudayd ku qaatay muu ahayn, waa go’aan uu kala tashaday shacabkiisa, waa go’aan ay u igmadeen Axsaabtu, isagoo tixgelinaaya duruufaha ka jira ee nagu xeeran isagoo tixgelinaaya midnimada qaranka, degenaanshaha xasilloonida iyo dimuqraadiyadaba, waxaanan runtii rajeyneynaa in caalamkuna arrintaa nagu taageeri doono, dib u dhigiddu dimuqraadiyadda ayunbay xoojineysaaye dhaawici maryso, waxaan rajeynayaa in caalamku uu taa nagu taageero.”

Bayaan ka soo baxay beesha caalamka Jimcihii la soo dhaafay oo ay soo saareen Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Sweden iyo Denmark  oo Somaliland ka taageera doorashooyinka,  ayaa lagu dhaliilay go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ka qaatay kala qaadista doorashooyinka iyadoo laga dalbaday inuu dib uga laabto go’aankaas oo aaney jirin wax  sharci ah oo uu salka ku hayo, duruuf khasbaysaana aaney sidoo kale jirin, waana sida lagu sheegay war-murtiyeedka.

Goobjoog News