U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Kulanka Madaxda Geeska Afrika Waa Dhacayaa, Laakin Maanta Ma Aha

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inuu jiro qorshaha safarta ay Muqdisho ku imaanayaan ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki si loo sii wado arrimaha iskaashiga dalalka geeska Afrika balse waxaa ay meesha ka saartay inuu kulankaasi maanta dhacayo.

Cabdulqaadir Axmed- Kheyr Cabdi, wasiiru dowlaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee JF Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in kulanka Muqdisho ee madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea uu sidiisa u jiro, laakin aanu maanta aheyn.

“Shirkii  Gondar ee gobolka Baxar-daar  waxaa la isku afgartay in shirka xiga ka dhaco Muqdisho, shirka waa uu dhacaa, laakin maanta ma aha”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay wasiir Cabdulqaadir Axmed

Mar aan weydiinay, haddii aanu maanta ka dhaceyn shirkaasi, waa goorma?, waa uu ka gaabsaday wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, isaga oo intaasi raaciyey “Arrinta la rabo shirka Muqdisho ka hor waa in la qiimeeyo heshiisyadii hore, si looga ambaqaado”.

Galabtii Talaadada, ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in maanta oo arbaco ah ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki, si loo ambaqaado shirarkii iskaashiga.

Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal:

1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.

2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018

Goobjoog News