U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Oo Soo Dhoweysay Doorashadii Axmed Qoorqoor

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda galmudug.

Wasaaradda ayaa ugu horeyn hamabalyo u dirtay madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka reer Galmudug u rajaysay isbadal mira dhal ah kaas oo horseedi kara xasilooni buuxda iyo hormar ay ku tallabsadaan ummada reer Galmudug.

Ugu dambeyn warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa loogu baaqay dhamaan shacabka in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo yagleelay reer Galmudug.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha DFS

Goobjoog News