U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qoraal Ka Soo Saartay Doorashada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal kasoo saartay qaabka ay u dhaceyso xulista xubnaha baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa ka koobnaa ilaa shan qodob, kuwaas oo gun dhig u ah qaabka iyo hanaanka ay u dhaceyso doorashada dowled gobaleedka Jubbaland oo la filaayo in dhawaan lagu qabto magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland, waxaana ka mid qodabada ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha .

1. Waa in odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah ay isla wada ansixiyaan wasaaradda arrimaha gudah fedaraaleenta iyo dib-u- heshiisiinta dalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland.

2.Odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee Jubbaland, waa inay soo xulaan xildhibaanada golaha wakiilada Jubbaland iyadoo hal kursi loo xulaayo hal xildhibaan oo kaliya iyo hal magac.

3. Si loo xaqiijiyo doorka haweenka ku leeyihiin golaha wakiilada Jubbaland in beel kasta oo leh sedex xildhibaan, ay hal kurtsi  u qorsheeyaan qof haween ah, haddii beeshu leedahay shan kursi waa in labo ka mid ah ay ahaadaan haween .

4 Goobta doorashada Madaxweynuhu waxaa ay noqonaysaa Akaadamiyada Booliska Jubbaland, xarunta Qaramada Midoobay ee U N COMPOUND, si loo fudeediyo geedi-socodka doorashada iyo ka qeyb qaadashada goobgoogayaasha caalamiga ah bilow ilaa dhamaad.

5 Geedi-socodka doorashada Jubbaland waxaa goobjoog ka noqon doona, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Halkaan ka Akhriso:

Goobjoog News