U bood dhigaalka

Dhaarinta Xildhibaannada Hirshabelle Oo Dib Loo Dhigey

Sheeko:Baarlamaanka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar ka sheegtay  in maalinta berrito ah magaalada Jowhar lagu dhaarin doono xildhibaannada uu yeelanayo maamulka Hirshabeelle.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Yaxye Cali Ibraahim oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in la xareeyay maanta xildhibaannada maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in kal hore ay ugu baaqeen ergada inay soo dhameystirto xildhibaannada islamarkaana arrintaasi lagu guuleystay.

“Waa lagu guuleystay soo dhameystirka xildhibaannada Hirshabeelle, waana lagu guuleysanayaa in berrito la dhaariyo sidaa darteed waxa inoo xiga waa doorashada Madaxtinimada” ayuu yiri Yaxye Cali Ibraahim.

Kulamo gaar gaar ah ayaa ka soconaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe oo weli ay ka maqan yihiin qaar kamid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan kuwaasoo ka biyo diidan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta iyagoo ku xiray sharuudo dhowr ah.

15-ka bishaan ayaa magaalada Jowhar qorshaha uu yahay in lagu doorto Madaxweynaha maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan kadib markii ay dhacdo dhaarinta xildhibaannada maamulkaasi.

Goobjoog News