U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay In Dhawaan La Qeybin Doono Raashiin Gargaar Ah Oo Turkiga Keenay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arimmaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in maalmaha soo aadan la bixin doono raashiin gargaar ah oo Turkiga keenay magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaraddaasi C/rashiid Xidig ayaa sheegay in lagu guuleystay markab kasoo dejinta raashinkan, waxaana uu sheegay in si isku mid ah loo geyn doono gobollada dalka gaar ahaan meelaha ugu daran ee baahiyaha ay ka jiraan.

Xidig ayaa sheegay in wasaaradda ay raashinkan u magacawday guddi ka kooban 10 xubin kaas oo la socon doona sida raashinkan lagu bixin doono.

“Markabkan mar hore ayuu yimid, waxaan idiin sheegayaa in weli Hal kiish aan laga bixin, maalinta uu soo xirtay illaa hadda waa la dejinaayey, hadda ayaa diyaar loo yahay in qeybintiisa la billaabo” ayuu yiri wasiir Xidig.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan magaalada Muqdisho keentay markab weyn oo sida shixnad gargaar raashiin ah, waxaana Turkiga uu ku caanbaxay caawinta dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News