U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Shirkii Koowaad La Qaadatay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Cabdirishiid Maxamed Xiddig ayaa maanta la kulmey guddiyada doorashooyinka iyo kan xuduudaha iyo federaalka oo shalay uun uu baarlamaanka ansixiyey.

Cabdirishiid Xiddig oo la hadlay guddiyada madaxa banaan ayaa xusuusiyey in dadka oo dhan ay u simanyihiin, xitaa madaxweynaha wuxuuna yiri “Dadka waxaad tihiin dadkii lagu aaminay hawshan muhiimka ah, idinka shaqada qabanaya, dabcan shaqada qeyb ayaan ka wada yeelanaynaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qofka Soomaaliga ah ee tuulo jooga waa idiin simanyihiin”

Wasiir Odowaa oo isna hadlay ayaa sheegey in aanan dadkani lagu soo xulin in ay u xagliyaan dhanka dowladda hadda jirta “Markaan idin soo dooranaynay dadnimadiina iyo aqoontiina ayaa la’idinku soo doortey, in aad qaraabo nala tihiin la’idinkuma soo dooran, in aad saaxiibo nala tihiin la’idinkuma soo dooran, doorashada 2016-ka in aad noo xaglisaan la’idinkuma soo dooran, garabkiina alle ha galo”.

Labada guddi ayaa muhiim u ah doorashooyinka 2016-ka iyo waliba nidaamka federaalka xili ay dhismayaan dowladaha yaryar ee Soomaaliya ay ka koobnaan doonto.

 

Goobjoog News

Wasiirka arrimaha gudaha iyo gudiyadda