U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha: Waan Ka Shaqeyneynaa In Jubbaland Ka Yaraado Culeyska Qaxootiga Ka Imaanaya Kenya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka warhayso culeyska haysta maamulka Jubbaland ee ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddaasi Yaxye Cali Ibraahim oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay dadaal ku bixin doonaaan in culeyska soo wajahay Jubbaland wax badan laga yareeyo.

Yaxye ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo shacabka Soomaaaliyeed inay kaalin ka geystaan sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

“Waan la shaqeyneynaa, waan ka warheynaa, cabashadoodana Labadii maalin ee lasoo dhaafay aad bay isku soo tareysay, wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland si maalin leh ayaan iskula xiriirnaa, waan kala shaqeyneynaa in culeyskaasi ka yaraado, waxaana xaqiiq ah in culeys aysan qaadi karin uu soo dul istaagay, Jubbaland aysan tabar u ahayn, waxaan ku baaqeynaa in dadka Soomaaliyeed ay kaalmo dadkaasi gaarsiiyaan, dowladda Federaalka dabcan iyaduna qeybteeda bay ka geysaneysaa, hay’adaha caalamiga ah ee deeq bixiyeyaasha iyaguna qeybtooda inay ka qaataan waan rajeynaynaa” ayuu yiri Xoghayaha.

Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland ayaaa shalay shaaca ka qaadday in culeys badan ku tahay dadka tirada badan ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga Kenya, loona baahan yahay in la maareeyo nolosha dadkaasi.

Goobjoog News