U bood dhigaalka

Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Oo Wadda Qorshe Lagu Joojinayo Gudniinka Fircooniga

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro gudniinka Fircooniga ah.

C/qaadir Sheekh Cali oo ah wasaaraddan ayaa ka hadlay arrinta ku aadan gudniinka fircooniga ee gabdhaha qaar loo gudo, isaga oo sheegay in arrintan ay tahay mid aan sal ku lahayn diinta Islaamka.

Waxa uu tilmaamay wasiirka inay ka wasaarad ahaan wadaan qorsheyaal looga hortagayo gudniinka Fircooniga.

Wasiir C/qaadir ayaa xusay in wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada wadaan wada hadallo looga doodayo arrintan, go’aammada kasoo baxana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed, lagana hortagi doono cidda ku xadgudubta go’aammadaasi.

“Maadaama aan nahay shacab Muslimiin ah, ayna jirto dhaqamo gaar ah oo dadka uga duwannahay waa in si cilmi ah loo daraaseeyo arrinta gudniinka, taas iyada ah si loo helaa waa wax u baahan tababar, waa wax u baahan in aan dhibaato la geysan, taas iyadoo lagu dadaalayo haddii qof aan khibrad u lahayn aysanba garaneen badankooda arrintaan guurka, khilaaf kama taagna gudniinka Fircooniga ah in dhibaato yahay, waana in cilmiyan loo baara oo caalamka Islaamkana lala wadaago” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa jirta wacyigelin badan oo waalidiinta Soomaaliyeed laga siiyo in gabdhahooda u gudaan Fircooni, kaasi oo halis dhow iyo mid dheer u keena haweenka.

Goobjoog News