U bood dhigaalka

Wasaaradda Batroolka DF oo Ka Been Sheegtay, Kuna Guuldareysatay Qorshaha Bixinta Shatiyada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu soo gudbisay shacabka Soomaaliyeed qorshaha iyo waqtiyada ay wasaaraddaasi ugu talo gashay bixinta shatiyada xermooyinka shidaalka ku jira badda, soo bandhigidda shirkadaha guuleystay  iyo dhaqan-gelinta heshiisyada la xiriira qeybiga kheyraadka, kuwaas oo dhammaan noqon been iyo mala-awaal.

Wasiirka Batroolka  dowladda federaalka ah Cabdirashid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in wasaaradiisa ay December 2019-ka ku soo bandhigi doonto shirka shidaalka ee Cape Town qorshaha lagu bixinayo shatiyada shidaalka, waxaa uu carabka ku dhuftay 15 xermo, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 30 Bilyan oo fuusto.

 Wasiirka ma qeexin sida uu yahay qorshahaasi, waxaana bisha soo socota uu sheegi doonnaa goorta ay shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya u tartami doonaan shatiyada.

Haddii aan akhristayaasheenna dib ugu celino shirkii shidaalka ee London ka dhacay February 7, 2019,  waxaa ay wasaaradda Batroolka ee dowladda federaalka ah sheegtay ama soo bandhigtay jadwal iyo qorshe la wada sugayey in la fuilyo.

Kulankaas waxaa laga soo saaray in  November 7, 2019 ay noqoto  maalinta shirkadaha ay u tartamaaan xermooyinka shidaalka, December 9, 2019-na heshiis lala saxiixdo shirkadaha guuleysta oo hela shatiyada si bisha December 19-keeda, 2019 u saxiixaan golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah, loona dhaqan-geliyo heshiiska qeybsiga kheyraadka January 2020.

Hadda waxaa ay wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah  leedahay jadwaalkaas waa uu guuldareystay oo qorshe cusub ayaa keeni-doonnaa December 2019-ka, laakin waxaa meesha ku jirta sida loo rumeysan karo wasaarad horay shacabka been ugu sheegtay.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News