U bood dhigaalka

Wasaaradda Batroolka Dowladda Federaalka oo Sharci Daro Ku Tilmaamtay Shirkad Macdan Ka Qodeysa Awdal (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

shidaalWar saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda macdanta iyo batroolka ayaa lagu sheegey in shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo ARC ay si sharci darro ah hawlo macdan qodis ah oga wado Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal ee ka tirsan maamulka Somaliland.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegey in hawlaha shirkadani ay xasilooni dari ka dhalisey gobolka Awdal. Tanina ay horseedey markii boqolaal maleeshiyaad ah ay qoratay shirkadda sida wasaaraddu sheegtey.

Dhanka kale waxa ay wasaaraddu beenisey warar ay warbaahinta baahisey oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay Shiinaha ka codsatay in ay ka caawiso xagga shidaal iyo macdan qodista.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Faarax Cabdi Xasan oo wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegey in shirkadani ARC markii ay baareen ay waayeen wax raad raac ah meel ay ka diwaangashantahay, iyada oo markii lala xiriirey safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ay sheegtey in aysan waxbo ka ogeyn, sidoo kalana dalka Shiinaha laga waayay wax diiwaankeeda ah.

Mar aan wax ka weeydiiney in arrinkani ay kala xiriireen Somaliland ayuu sheegey in aysan meeshaba oolin sabab wax ku saabsan arrimaha dibada iyo shirkadaha maalgashanaya dalka ay wax oga weeydiiyaan cid kale.

Press Release. Soomaali

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Wasaaradda

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia
waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga
leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo
qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha  sharci
darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday
degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo
ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaheeda islamarkasna ay bara kicisay
dadkii iyo duunyadii deegaankaas ku noolaa.

Dawladda Soomaaliya waxay walwal ka muujnaysaa, sida horeba u dhacday,
in shirkadaha sharci darrada ahi ay qaarkood ku hawlyihihiin inay sun
ku aasaan badda iyo barriga Soomaaliya. Si looga fogaado xasarado iyo
colaado ka dhaca gobolkaas, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka
dalbanaysa ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baarista sharci
darrada ah ee ay wado taas oo dhalisay xasarad siyaasadeed &
nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel
nabdoon.

Dowladda Soomaaliya, waxay ujeedinaysaa dawladda China in shirkadaha
dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb qaadan sii hurinta colaadaha
sokeeye ee Soomaaliya.

Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo
shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka
hooseeyo habdhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo
baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan
waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya
macdan iyo shidaalka. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya masuul kama
aha wixii dhibaato ama khasaare ah oo soo gaaro shirkadaha sida sharci
darrada ah kusoo gala dalka.

Wasaaraddu waxay  ka dalbanaysaa ARC inay si degdeg ah u joojiso
hawlaha sharci  darrada ah ay wado, dalkana isaga baxdo.

“Sidoo kale; wasaaradda Macdanta & Batroolka, waxay beeninaysaa,
warbixinno been ah oo ay qoreen qaar ka mid ah Shabakadaha Soomaalida
oo sheegay in Dawladda ka codsatay Shiinaha inay ka caawiso macdan iyo
shidaal baaris.

Wasaaraddu waxay caddeynaysaa inaan warkaas waxba ka jirin. Waxa
kaliya ee looga hadlay shirka dhex maray Wasaarada Arrimaha Dibadda &
Wasaaradda Macdanta & Batroolka, JFS iyo Safaaradda Shiinaha  waxay
ahayd kaliya arrinta shirkadda  ARC oo dhaqadhaqaaq sharci darro ah ka
bilowday Soomaaliya gudaheeda, iyadoo ku xadgudubtay shuruucda
caalamiga iyo madaxbanaanida waddanka, kuna tumatay midnimada dalka &
go’aamada UN ta ee ku wajahan Soomaaliya.

Dhageyso

Goobjoog News