U bood dhigaalka

Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta “Ma Ogolaaneyno Wax Ka Yar Heshiis Xalaal Ah”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.
Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira. Dowlada Federaalka Soomaliya way soo dhoweyneysaa arintaa.

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay mahan mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dibu-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

“Kkeyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awooda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,” sidaa waxaa yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

“Wasaaradda waxay si dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility, waax ka mid ah Bangiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliaydeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno inagoo indha xiran,” Wasiirka ayaa sidaa yiri.
Waxaa intaas sii dheer in uu jiro dadaal Dowlad goboleedyada lagala hadlayo sidii loo yeelan lahaa aragti mideysan oo ku aadan horumarinta iyo maamulka shidaalka Soomaliya. La shaqeeynta dowlad Goboleedyada waxay keeneysaa in la helo hanaan lagu qeysado dakhliga kheyraadka taas oo lama huraan u ah sameynta nidaam qeybsiga wax-soosaar oo lala yeesho shirakadaha shidaalka.

Dowlada Federaalka wax heshiis wadaaga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda Dowladda Federaalka.

“Waxaa muhiim ah, weliba dadka Soomaaliyeed, in ay ogaadaan in shirakadaha gaarka loo leeyahay ay iyagu sida ay la tahay wax ugu soo gudbisan karaan Dowlada Federaal. Waan soo dhoweyneynaa dadaalkooka. Balse aan idiin cadeeyo, 100% kheyraadkeena inaga ayuu gacanteena ku jiraa. Go’aanada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo hufan iyo si mas;uuliyad ku dheehan tahay lagu gaaray islamarkaana ilaalinaya xuquuqda ummadda Soomaliyeed hadda iyo mustaqbalkaba” sidaa ayuu Wasiirka ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa.

Dhamaad.