U bood dhigaalka

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Heshiis Muhiim Ah

Sheeko:Dalka, War

Munaasabadan oo  ku saabsaneyd mid Mashaariic  horumarineed ay  ku kala  saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TiKA ayaa   ujeedada tahay  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey,waxaana goob joog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato  u geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaanno badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaariicdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonan sidii wax looga qaban lahaa biya xireenka Wabiga shabelle iyo keydka biyaha, wuxaana saxiixa maanta wada gaaray Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimadna siinaya horumarka  wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya  olgan Baker  oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxuu tilmaamay in ay dowladda Turkiga ay  go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha  Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
  2. Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
  3. in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baa’i’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeenna.

SONNA

Goobjoog News