U bood dhigaalka

Wasaaradda Beeraha: Waa Qalad In Hay’adaha Samafalka Raashiin Keenaan Xilliga Uu Dalaga Dalka Soo Go’o

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Saalax Carmaan oo u waramay Goobjoog News, ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay waxqabadka ka wasaarad ahaan, waxaana uu sheegay in waxbadan ay qabteen.

Ugu horeen ayuu sheegay in tababar ay u fureen qaar ka mid ah Beeraleyda Soomaaliyeed, islamarkaana ay tababaradaasi uga golleeyihiin in la tayeeyo wax soo saarkooda.

“Tababarka ana u furnayu beeralaeyda waa mid loo baahnaa, waa in marka hore ay isku xiran yihiin wasaaradda iyo beeraleyda, waa in laga warhayo wax soo saarkooda, waxaan rabnaa in la helo beeraley Soomaaliyeed oo dhameystiran” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in mararka qaar ay jirtay caqabado badan oo ay la kulmi jireen Beeraleyda Shabellaha Hoose, taasi oo ah in markii ay wax soo saartaan beeraleyda Isbaaro ay la kulmi jireen, balse hadda la xaliyay.

“Horay waxaa u jirtay in markii beeraleyda soo saartaan beerahooda in dariiqa loo istaagay, laakiinse markii aan wasiirada geenay halkaasi una dacwoonay, waxaan u maleynaa in halkaasi ay hagaagtay, oo amni ay tahay, mana jirto cabasho kale oo ay inoo keeneen beeraleyda, kaliya waxay doonayaan in ay isku xirnaadaan beeraleyda Soomaaliyeed iyo wasaaradooda” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Qaar ka mid ah beeraleyda Soomaaliyeed ayaa cabasho ka muujiyay markii uu dalagooda soo go’o in hay’ado samafal ay keenaan dalka raashiin la mid ah dalagii ay beerteen.

“Hay’adahaasi waan ka hadalnay, wadankaan waxaan rabnaa inaan gaarsiino 80% inaan dalka ku cunno wixii aan soo saaranno, hay’adaha markii qofkaan beeraleyda ah wax soo saaro in ay keenaan raahsiin waa qalad, wasaaradda beeraha uma dul qaadan doonto taasi, anaga oo u baahan in hay’adihii ay wax na taraan ayaa hadana waxaan u baahannahay inay innagu naga iibsadaan, hay’adihiina waan ka dhaadhicinay arrintaasi”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorsheyaal badan oo ah in lagu caawiyo beeraleyda in la siiyo qalab wax soo saar sida makiinadaha Cagafta loo yaqaan, matooro iyo sheybaaro casri ah.

Ugu dambeyn ayaan wasiir ku xigeenka weydiinnay inta uu la egyahay wax soo saarka beeraleyda Soomaaliyeed, iyo hadii ay jiraan waxyaabo dibadda loo iib geeyo.

“Beeraleyda waxaan rabnaa inaan u abuurno  mar walba inay helaan lacag Kaash ah, waxay hadda dhoofiyaan Moos, Liin, Sisin iyo waxyaabo kale, waxaan rabnaa in aan sare u qaadno muwaadinka waxa uu soo saarayo, laakiin nafaqada marka hore muwaadinka ayaa helaya, ka dib ayaa caalamka loo gudbin doonaa” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Cabdicasiis Saalax Carmaan oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News