U bood dhigaalka

Wasaaradda Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Oo Magacawday Qubaro Baara Sababta Ka Dambeysa Biyo Yaraanta Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Biyaha iyo Korontada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa qubaro u magacawday qubaro baaritaan ku sameeya sababaha keenay inuu biyo yareeyo Wabiga Shabelle.

Wasiirka wasaaraddaaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qubaradan ay sidoo kale kaashan doonaan jaamacadaha dalka si baaritaanka u noqdo mid mira dhal wanaagsan keena.

Waxa uu sheegay wasiirka in shacabka Soomaaliyeed ay usoo gudbin doonaan wax la hubo oo rasmi ah.

“Wasaaraddu waxay magacawday qubaro ka tirsan wasaaradda oo baaritaan ku sameynaya sababaha keenay Biyo yaraanta Wabiga Shabelle, jaamacadaha maxalliga ah qaar ka mid ah ayaan ka codsannay iney gacan naga siiyaan, shacabkana usoo gudbinno wax la taaban karo” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Mursal oo aynu weydiinnay arrimaha ku saabsan biyo xireennada Itoobiya ayuu tilmaamay in dowladda aanay weli arrinkaasi ka hadli karin illaa ay ka sameeyaan baaritaannada dhabta ah ee la xiriira biyo yaraanta Wabiga Shabelle iyo sababta ka dambeysa.

Wabiga Shabelle ayaa dhawaan biyo yareeyay, waxaana saameyn badan uu ku yeeshay dad badan oo ku tiirsanaa isticmaalka biyaha Wabigaasi.

Goobjoog News