U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka: 500 Qof Ayaa Shan Bil U Dhimatay Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in  Goballada dalka  Cudurka shuban biyoodka  ay ugu geeriyoodeen 500 ruux muddo Shan bil ah gudaheed.

Agaasimaha wasaaraddaasi C/laahi Xaashi oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in mudadii Cudurkaasi uu jiray sidoo kale uu soo ritay 27-kun oo ruux oo isugu jira Caruur iyo dad waaweyn.

“Xaaladda wadanka uu marayo waa mid aad wada ogtihiin, waa mid aad u liidato, dedaallo badan baa la sameeyay , annagu waxaa inoo diiwaangishan in cuduruka uu ku dhacay dad ku dhow 27-kun, qiyaas ahaan 500 oo kamid ah cudurkaasi waa ay u dhinteen waana tiro aad u sarreeysa” ayuu yiri agaasimaha.

Sidoo kale agaasime Xaashi ayaa sheegay in dhaqaatiir ay u direen deegaanno badan oo dalka ah, islamarkaana uu ka jiray cudurka shuban biyoodka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in haddii aaney sameyn lahayd gurmadkaasi ay macquul ahayn in dhimashada ay intaasi ka badato.

“Wax u qabashada dadkaan wasaaradda kaliya ma ahanee loomaba kala harin, dhaqaatiir badan baa loo tababaray, wasaaraddu waxay sameysay tababaro kala duwan, xaaladda hadda jirto ee Shuban biyoodka lagu tabobaray, haddii aan gurmadkaasi la sameyn lahayn dhimashada waxaan aaminsanahay iney intaasi ka badan lahayd” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya.

Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka, xilli dalka ay aafeysa abaar daran.

Goobjoog News