U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka: 60,476 Qof Ayuu Hayaa Cudurka Qaaxada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal daraaseyn ah oo ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in cudurka qaaxada ay qabaan 60,476 qof oo gudaha dalka joogta.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in sanadihii 2015 illaa 2017 illaa 96 xarun caafimaad oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo  gobollada dalka ay diiwaangeliyeen 112,104 qof oo qaba cudurka qaaxada.

Marka loo eego tirada ay hadda wasaaradda soo bandhigtay ayaa noqoneysa mid aad aad uga yar sanadihii lasoo dhaafay ee 2015 ilaa 2017.

Maanta ayaa ku beegan maalinta caalamiga ah ee qaaxada, waxaana Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusay maalintan, iyadoo dadka laga wacyigelinayo cudurka iyo waxyeelladiisa.

Goobjoog News