U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka DF Oo Diyaarisay Buug Caafimaad, Oo Ka Duwan Midkii Gobolka Banaadir

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisay buug caafimaad, shaqaale iyo qalabkii loogu talo-galay in loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed.

Qoraalka waxaa ku jirtay in wasaarrada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda shaqo ee ku aadan u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed, iyada oo ku dadaalayso hubinta badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, u hogaansamayso, hubinaysana xeererka caalamiga ee caafimaadka isu gooshka, kuna baraarugsan adeegga iyo shaqada dheeriga ee loo baahanyahay xilliga Xajka barakaysan, ay soo saartay qodobo dhowr ah.

Qodobbada Waxaa Ka Mid Ahaa:

1. Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay

2. Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ),

3. Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ),

4. Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya

5. Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah

6. Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda

Ama qoraalka wasaaradda caafimaadka oo Pdf ah, Guji halkan War-saxaafadeed- Buugga Caafimaadka.. (1)

Todobaadkii hore, gobolka Banaadir ayaa soo saaray buug caafimaad, isaga oo taageero ka helay culimo iyo ganacsato, arrintaas waxaa iska diiday wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah, kuna tilmaantay sharci-darro.

Goobjoog News