U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka DFS Oo Deeq Dawo Ah Gaarsiisay B/weyne

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.

Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa gaaray B/weyne, waxaana dawada la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Wasiir Fowsiya ayaa kormeertay goobaha lagu daweynayo dadka uu soo ritey cudurkaasi, waxaana goobahaasi kamid ah Isbitaalka guud ee B/weyne.

Mar ay si kooban wasiir Fowsiya ula hadashay saxaafadda waxay sheegtay in dowladda ay garab taagan tahay dadka la xanuunsanaya Shuban biyoodka, islamarkaana kaalin ka qaadan doonto daweyntooda.

Goobjoog News