U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Sheegtey in Dawo La’aan Ay Saameyn Xun ku Yeelatay Adeegyada Caafimaad

Sheeko:Dalka

galmudugWasiir Axmed Shariif ayaa sheegay in dhibaatooyin dawo la’aaneed ay sabab u noqon doonto in inta badan ay xirmaan goobaha Caafimaad. Wuxuu hadlayay maalin kadib markii adduunka laga xusey maalinta xuska xanuunka Aids-ka.

Mar uu ka hadlayay faafista cudurka Aids ayuu sheegey in qaab nololeedka dadka, gaar ahaan dhibaatooyinka burcad badeeda ay sii kordhineyso halista faafista cudurka maadaamaa kooxaha burcad badeeda ay dumar badan iska kubsadaan, ama iyada oo aanan loo meeldayin iska guursada dumar badan.

Waxa uu intaa warkiisa ku daray Wasiirka in ay ku dadaaali doonaan wax ka qabashada arimahan si ayuu yiri loo bad baadiyo bad qabka Caafimaadka Bukaanada Isbitaalada Jiifa.

Mas’uulkani ayaa sheegey in deegaanada Hobyo, Kala Beyr iyo Bacaad Weyn kale ay ka jiraan shuban biyoodyo, iyada oo cudurka uu saameeyey dad badan, waxana uu ka deeyriyey in xanuunadaasi aysan jirin dawooyin ku filan oo lagula tacaalo.

Maamulka ayuu sheegey in uu sameeyey wixii dadaal ahaa ee ay awoodiisa ahayd, iyaga oo gaadiidka gurmadka degdega u direy meelaha ay dadka ku xanuunsadeed, balse waxa uu ku baaqay in gargaar dawo lala soo gaaro deegaanada Galmudug.

Dhageyso

Goobjoog News