U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka: Ha Is Diiwaangeliyaan Shaqaalaha Ajaaniibta Ee Caafimaadka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ammartay shaqaalaha ajaanibta ee ka howlgala dalka inay is diiwaangeliyaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay tahay waajib in ay isa soo diiwaan galiyaan hay’adaha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo dhaqaatiirta ajaanibta ah ee dalka jooga.

Arintaan ayaa lagu sheegay inay tahay ulajeedkeeda si loo hubiyo tayada howlwadeennada caafimaadka ee dalka ka howlgalaya, iyo in lala socdo shaqadooda cafimaad.

aA44