U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Coronavirus Kiisaskii Ugu Badnaa Ka Diiwaan Gelisay Jubbaland.

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta  warbixinteeda maalinlaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay guud ahaan dalka  laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo Coronavirus kuwaas oo gaarayo 60 xaaladood waxaana  guud ahaan dadka uu xanuunka uu  soo ritay ka dhigeysaa 1976 ruux tan iyo markii uu dilaacay,

Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta kiisaskii ugu badnaa laga diiwaan geliyey dowlad goboleed Jubbaland oo laga helay 32 xaaladoo, halka Somaliland laga diiwaan geliyey 18 xaaladood oo cusub, dowlad goboleedka Galmudug 4 xalaadood ayaa laga helay iyo gobolka Banaadir oo maanta wasaaraddu ka xustay in laga helay 6 xaalad oo cusub.

Wasaaradda ayaa maanta diiwaan geliay in xanuunka Coronavirus ay dalka ugu geeriyoodeen taas oo tirada dadka ugu  dhintay dalka ka dhigeyso 78,  halka ay xanuunka ka bogsadeen 21 ruux taas oo ka dhigeyso dadka xanuunka ka soo caafimaaday 348 qof, xaaladaha la helay maanta 53 kamid ah waa Rag halka 7 yihiin Dumar.

No photo description available.

Goobjoog News