U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Tallaalka iyo Arrimaha Xujeyda

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka ka safraya dalka iyo dalka soo galaya ayna ku jiraan dadka Xujeyda ah looga baahan yahay in ay qaataan Tallaalka aasasiga ah ee ay bixiso wasaaradda.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa lagu yiri” Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayadoo gudaneysa waajibkeeda kuna howlan hubinta caafimaadka isku-gooshka dalka waxa ay bulshada la wadaageysaa qodobadaan soo socda”

  • Tallaaku waa ma’uuliyad farsamo oo u gaar ah wasaaradda caafimaadka sidaa darteed, wasaaraada caafimaadka bulshada Soomaaliyeed uga digeysaa isticmaalka Tallaalka aan buuxin shuruudihiisa looga baahnaa , lana hubin habraacyada loogu talo galay isticmaalka iyo shaqaalaha ka shaqeynaya Tallaalkaas.
  • Wasaaradda caafimaadka waxay bixisaa adeegyada Tallaalka aasasiga ah kuwaas oo bulshada oo bulshada guud ahaan ee dalka.
  • Sida ku cad sharciga isku-gooshka caafimaadka ah,2005 internatinal Health Regulation.2005. qof oo safraya waa in la hubiyaa inuu qaatay Tallaalka aasasiga u ah safarkiisa lana buuxiyaa tilmaamaha laga rabo masaafir kasta iyadoo la raacayo hadba tilmaamaha ku kala xusan goobta loo socdo iyo halka laga safrayo,sidaa darteed wasaaradda caafimaadka xuduudaha port Health of Unit. Waxaana musaafiriinta dalka dalka dibadiisa ka imaanaya iyokuwa ka dhoofaya laga doonayaa inay raacaan tilmaamaha caafimaadka ee laga rabo musaafir laga rabo.
  • Qaadashada Buug Tallaal oo been abuur ah danbi xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah ee caafimaadka musaafirka, ciddii ku safarta Buug been abuur ah iyada ayaa qaadaysa ma’uuliyada wixii ka soo gaaro oo dhib u geysan kara musaafir iyo isku socodka dalka.
  • Dhowrista, la socodka, hubinta iyo ka warqabka caafimaadka Xujeyda waa ma’uuliyadda howlaha ay sida gaarka ah ay ugu xilsaaran tahay wasaaradda caafimaadka mana jiro ,mana jiro cid uga wakiil ah ama loo igmaday inay gutaan waajibkaas, sidaa tarteed wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada iyadoo raacayso Qodobada iyo Tilmaaha ay isku waafaqeen wasaaradda caafimaadka boqortooyada Sacuudiga waxay diyaarineysaa dhamaan wadiiqooyinkii ilaalinta caafimaadka Xaajioga iyo helitaanka daryeel caafimaad ee ay uu u baahan karo Xaajiga inta uu gudanaayo waajibka Xajka.
  • Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada waxay ugu baaqeysaa dhamaan ha’adaha wasaaradaha iyo Ururadaku howlan isku socodka iyo isku-gooshka dad weynaha inay dhoowraanshuruucda caalamiga ah isku-gooshka caafimaadka sidoo kalana la dhowro xeyndaabka shaqada iyadoo lagu tixgalinaayo waajibaadkeeda iyo mas’uuliyadka   ka saran isku-goosh safarka.

Dhamaad

Goobjoog News