U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qof, mana jirto qof u geeriyooday cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 6-da kale ay yihiin haween.

13 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Koonfur Galbeed 10, Jubbaland 8, Gobalka Banaadir 4 iyo iyo Galmudug 1 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,452 waxaa xanuunka tan iyo markii uu dilaacay ka soo  bogsootay guud ahaan 506 ruux. Halka 85 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka gudaha dalka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Goobjoog News