U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteedi maalinlaha aheyd ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah,kuwaas oo gaaraya 48 kiis.

Kiisaska ayaa laga helay,  Gobolka Banaadir 19,Somaliland 17,Puntland 8, Galmudug 2 iyo Hirshabeelle oo 2 kiis laga diiwaan geliyay.

Cudurka ayaa waxaa maanta ka bogsaday 19 ruux waxaana u dhintay 1 qof, taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 489 halka dhimashadu ay gaartay 85 ruux.

Wadarta guud ee kiisaska dalka laga diiwaangeliyay tan iyo markii Covid-19 laga helay dalka ayaa waxey gaareysaa 2,416.tan iyo markii xanuunka lagu arkay dalka bishii March 2020-ka

Goobjoog News