U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Covoronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalilaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay in maanta la diiwaan geliyey 24-kiis oo xanuunka Coronavirus ah.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaan laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir 1 kiis, Somaliland 7 xaaladood, Puntland 14 kiis, halka Jubbaland laga xusay 1 kiis iyo Galmudug oo sidoo kale laga sheegay 1 kiis oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in 1 ruux uu gudaha dalka ugu geeriyooday xanuunka, waxaa sidoo kale ka soo caafimaaday 18 ruux, kiiska maanta la shaaciyeu 15 kamid ah waa Rag halka 9 kale yihiin Dumar.

Guud ahaan xanuunka COVID-19 ayaa ku dhacay 2,603 ruux, tan iyo markii uu ka dilaacay dalka,  waxaa u geeriyooday xanuunka 88 ruux, halka ay ka soo caafimaadeen dad gaarayo 577 muwaadin guud ahaan dalka.

Goobjoog News