U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey COVID-19

Sheeko:Amniga

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 5 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,462.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 11 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 3, iyo Gobolka Banaadir 7, iyo Jubbaland 1,  qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,130.

Bukaannada cusub 10 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Goobjoog News