U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay Inay Kobcineyso Heerka Xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay waddo qorshe ballaaran  oo lagu kocbicinayo heerka xirfadda shaqaalaha caafimaadka dalka.

Agaasimaha daweynta iyo Agabka ee wasaaradda caafimaadka Dr C/risaaq Yuusuf Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qorshahan aan cid gaar ah oo loo sameyneyn balse loo sameyn doono cid walbo oo xirfadle caafimaad ah.

“Waxaa loo sameynayaa qof walbo oo caafimaadka ku abtirsada meesha uu doono haka shaqeeyo, cidda uu doono ha u shaqeeyo, waxaa loo sameynayaa dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha, umulisooyinka, sheybaariistayaasha, kuwa ka shaqeeya nafaqada dhammaantood ayaa loo sameynayaa istiraatiijiyad lagu kocinayo xirfaddooda caafimaad” ayuu yiri agaasimaha.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ololahan ay iska kaashanayaan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

Dalka waxaa ku yaalla xarumo caafimaad oo aad u badan, waxaana hadda muhiimad gaar ah leh in la horumariyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka.,

Goobjoog News