U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Sheegtay inaysan Garanayn Sababta Loo Xiray Agaasime Ka Tirsan Wasaaradooda

Sheeko:Dalka

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalaada Muqdisho ayaa sheegtay in aysan ogeyn sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha maaliyadda iyo maamulka wasaaradda caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle.

Waxaana wasiir Fowsiya ay ka dhawaajisay in agaasimaha la xiray 4-tii bishan xilli habeen ah islamarkaana waxa ay intaas ku dartay in aan lala soo wadaagin xariga agaasimaha iyada oo dhinaca kale tilmaamtay in arrinkaasi ay kala shaqeyn doonaan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, hanta dhowrka iyo cidkasta oo sharci ahaan ay arrinkaasi quseysa.

“Maxamuud Maxamed Buulle oo ahaa agaasimaga maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka waxaa la xiray 4-tii April habeenkii fiidnimo marey saacaddu ku beegnayd sagaalka, ilaa iyo hadda wasaaradda lalama soo wadaagin sababta loo xiray, waxaana socda baaritaanno badan, waxaana wasaaradda ay arrinkaasi kala shaqeynaysaa xeer ilaaliyaha guud ee qaranka hanta dhowrka iyo ciddii kale ee sharci ahaan ay quseyso, waxaan diyaar uwada nahay baaritaan waafi ah” ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in xarigga agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka uu yimid ka dib markii lagu helay kiis la xiriira musuqmaasuq inkasto warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Hey’adaha qaabilsan sharciyada dalka wali wax wara kama aysan soo saarin xarigga Maxamuud Maxamed buulle oo hadda ku jira gacanta dowladda.

Goobjoog News