U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Soo Bandhigtay Ruux Warbaahinta Qaar Ay Ku Sheegeen In Uu Qabo Ebola (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ebolaQaar ka mid ah waxrbaahinta magaalada Muqdisho ayaa baahisay in tuulada Buuloshireey ee hoostagta degaanka Warmaxan, uu ku nool yahay ruux qaba cudurka Ebola oo dhibaato ku hayo Galbeedka Afrika.

Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaan dheer ay soo sameysay ka dib waxa ay xaqiijisay in aanu waxba ka jirin arintaasi, islamarkaana ay baareen shaqsigii cudurkaasi lagu sheegay, shacabkana ay u sheegayaan in aanu waxba qabin.

Dr Yaasiin Axmed Nuur oo qeyb ka ahaa dhaqaatiirtii baaritaankaasi fulisay ayaa sheegay in xanuunkaasi lagu waayay shaqsigaan la tuhunsanaa ka dib baaritaan lagu sameeyay.

“Shalay waxaa naloo soo sheegay in Kiis laga yaabo in uu yahay Ebola uu tuulo dalka ka mid ah uu ka jiro, meeshii waan ku baxnay, waan tagnay, dad Ebola qaba horay ayaan u arkay, wax dhumi karana ma ahan, wax calaamadihiisa ay qarsoomi karaanna ma ahan, waxaa la sameeyaa hab ah in lala socdo qofka caafimaadkiisa ilaa 21 maalmood, waana waxa wasaaradda ay hadda sameysay, taasna ay ku tuseyso in aan u leenahay awood inaan qabanno qofka cudurka qabo, hadii aan qabanno aan xakameyn karno meesha uu ka jiro, aqoonteeda waan haynaa dadkeedana waan haynaa qalabkeedana waan u haysanaa, meesha hadii aan tagnay umaan baahan in qalabkii aan gishano, waxaan u tagnay nin ordaya oo adeeganaya, oo baladkiisa ku jira, shalay waan lasoo tukanay, waan wareysanay, meesha uu ka yimid dhul uu Ebola ka jiro ma ahan meelo kale ayuu soo maray oo baaritaano uu kusoo maray, marka Kiis Ebola ah oo maanta Soomaaliya ka jira ma jiro” ayuu yiri Dr Yaasiin Axmed Nuur

Wasaaradda waxa ay sheegtay in warkii la faafiyay ee ku saabsanaa in qof qaba cudurka Ebola uu ahaa mid lagu fududaaday oo uu yahay waxba kama jiraan, loogana gollaahaa qal qal gelinta bulshada.

“Wasaaradda waxa ay si deg deg ah kulan ula qaadatay hay’adda caafimaadka aduunka waxayna isla garteen qubaro Labada dhinac ah loo diro deegaankaasi iyaga oo wata agabkii ay ku howlgali lahaayeen si warbixin looga keeno, qubaradii waxay baxeen isla shalay saacadda markii ay ahay 2-dii duhurnimo magaalada Muqdisho, waxayna gaareen tuulada Buuloshirey Sedaxdii iyo barkii galabnim, taasi oo magaalada Muqdisho u jirta 65 km dhinaca Koonfur Galbeed, kuna taala wadada Muqdisho iyo Baydhaba, qubaradii waxay la kulmeen Cabdiqaadir Jiinoow Barrow, Ganacsade ah 30-sano jir ah, isagoo kasoo galay degmada Wanlaweyn aysan ka muuqan wax xanuun ah, wuxuuna soo galay Muqdisho 26-12-2014, kana yimid dalka Geni, soona maray Marooko Turki iyo Jabuuti, dhamaantoosd soo maray baaritaano loogu tala galay Cudurka Ebola, dhaqaatiirta Markii ay ku sameeyeen baaris waxay xaqiijiyeen inuusan lahayn qandho iyo dhiigbax iyo wax walba oo lala xiriirn karo Ebola” Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Cabdiqani Cali Sheekh Cumar ayaa qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda u akhriyay saxaafadda.

Wasiirka wasaaradan Dr Cali Xared ayaa dhankiisa muujiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay inay wajahdo xaalad kasta caafimaad oo wadanka laga sheego, isaga oo sheegay in ay tahay arin nasiib darro ah in warbaahinta ay si hubsasho la’aan ah warkaasi kusii deyso.

“Waxaa Idaacadda sheegtay oo ay yiraahdeen cudurkaas qof qaba ayaa meel lagu arkay, waa wax aan waxba ka jirin oo been ah, annagu wasaarad ahaan waxaan markasta diyaar u nahay inaan anaga oo uga wakiil ah umadda Soomaaliyeed dhinaca caafimaadka iyo waliba daryeelka iyo waxyaabahaasi oo kale markii ay dhacaan sidii aan tallaaboioyinka ku haboon uga qaadi lahayn” Wasiirka Dr Cali Xareed ayaa sidaasi yiri.

Cabdiqaadir Jiinoow oo ah shaqsida cudurkaan lagu tuhmay ayaa sheegay in warkaasi markii ay dadka ku sheegeen in uu ku noqday Falaar wadnaha looga taagay oo kale, waxaana uu tilmaamay in uu isaga oo nabad ahna yimid, uuna dareemayo oo kaliya xanuunka Gaastarigga.

Marar badan ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho qaarkood waxa ay baahiyeen warar aan la hubsan, taas oo keentay in gadaal dambe ay ka beenowdo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News