U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbaahinta Kala Hadasha Caabuqa Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbaahinta Kala Hadasha Caabuqa Coronavirus Wasaaradda caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomalaiya ayaa maanta magaalad Muqdisho kulan kula qaadatay bahda saxaafadda Soomaliya , kulan kaas oo jeedkiisu ahaa ka wacyi gelinta bulshada xanuunka Coronavirus, waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin ka kala yimid gudaha dalka iyo kuwa heer caalami ah.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abuukar Nuur iyo qeybaha kale ee wasaarada, wasaaradda ayaana xog ka siisay saxafiyiinta kulanka soo xaadiray sida ay tahay in saxaafadu ay bulshada ugu wacyi geliso xanunka oo fara ba’an ku hayo caalamka.

Waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay madaxa gargaarka deg dega ee wasaaradda caafimaadka Axmed Macalin Macalin Maxamed, waxaana uu ka warbixiyey diyaar garowga ay ku jiraan iyo tilaabada ay qaadeen, waxaana uu sheegay in wasaarad ahaan ay heegan buuxa ay ku jiraan, isaga oo faah faahin ka bixiyey sida ugu sahlan ee lagu kala qaadi karo iyo sida looga hortagi karo.

“Bulshada dhan waxa la rabo in ay ogaato waxaa waaye cudurka halistiisa iyo sida uu u faafo, sida la isaga ilaaliyo iyo calaamadihiisa, sida ugu wanaagsan oo ilaa iyo hadda la isku raacsan yahay waxaa waaye Faraxalka waa in uu numbar kow yahay, haddii qofka uu calamado uu isku arko waa in uu gurigiisa iska joogo oo dhaqaatiir uu soo wacdo, qofka caadiga ah in Dhuun mar weliba uu qooyo aysan Qalalin, haddii aad gacmahaaga ka adkaatid xanuunka waad ka badbaadeysaa”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay agaasimaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Axmed Deeroow isaga oo faah faahiyey u jeedka kulanka, waxaana uux usay in wasaaraddu ay magacowday guddiyo. “Guudiyada la sameeyey waxaa ka mid ah guddi loogu talo galay inuu ka shaqeeyo meelaha dalka laga soo galo, isaga oo la socon doono dadka soo galayo, kuwa ka baxayo iyo la xiriirka dadka caafimaadka ka shaqeeyo sedexdaas guddi mid weliba shaqadii loo igmaday ayuu hadda hayaa, shaqooyinka waxaa ka mid ah shaqada aan hadda aan u fadhinno oo ah inaan wacyi gelin aan la wadaagno warbaahinta Illaahey ha inaga haayo” ayuu yiri agaasime Deeroow.

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdulaahi Xaahi ayaa ugu baaqay warbaahinta in xogaha ku aadan cudur la gaarsiiyo guud ahaan dalka,isaga oo ku booriyey in kaalinta kaga aadan ay qaataan warbaahinta wacyi gelinta waxaana uu yiri.

“Waa in xogta sida ay tahay loo sheego oo guud ahaan dalka la gaarsiiyo waxaan ognahay doorka warbaahinta anigu waxaan soo joogay iyadoo dalka uu ka soo baxo labo Joornaal iyo hal Telefishin maanta Illahey waa inoo barakeeyey dunida Social Media waa uu ku faafay mararka qaar dowladaha ayuu ka xoog badan yahay waxaa la rabaa inaan xoogeena aan u isticmaalno oo aan umadeena aan badbaadsanno.

Ugu dambeyn waxaa kulanka soo xiray wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs. Fowziya Abuukar Nuur, iyadoo dardaaran u jeedisay warbaahintii googjooga ahaa.

“Maahan Garoonka kaliya inaan xooga saareyno shaqaalaha Maraakiibta la socda banaanka ayey u soo baxaan cunto ayey soo raadsanayaan oo dadka ayey la sheekeysanayaan ma celin kartid, lakiin haddii dad qaabilsan ugu tagaan meeshooda oo lagu hubiyo wixii ay rabaan loogu geeyo oo meeshooda lagu celiyo annaga Soomaali ahaan wax weyn ayey noo tahay, maadaama dalka tabartiisu ay yar tahay adinka warbaahina masuuliyadda idin saaran tabin kaliya maahan ka taxadar in uusan bixin hadal qalad ah oo dhibaato weyn keeni kara” ayey ku soo koobtay hadalkeeda wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bbulshada Drs Fowziyo Abuukar Nuur.

Goobjoog News