U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

Goobjoog News