U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo La Tacaaleysa Xanuunno ka Dhashay Abaaraha Ku Dhuftay Maamulka

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney la tacaalayaan cudurro ka dhashay abaaraha ku dhuftay  guud ahaan Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay ku jiraan xaalad degdeg ah iyo iney meelo badan gaarsiiyeen xirfadlayaal caafimaad iyo daawo:

“Wasaaraddu waxay ku jirtaa xaalad degdeg ah oo ah xakameynta abaaraha cudurrada ay keenaan abaaruhu, waxaanu galnay dadaal aad u weyn, waxaanu gaarnay oo dawo iyo xirfadlayaal caafimaadba la gaarsiiyay dhamaan waddankeena meelkasta tuulo kasta, dhammaan madaxdii wasaaraddu way maqan tahay, meelo kala gadisan iyo kooxo kala gadisan ayay wataan, dadaalkaa faraha badanina waxa uu dhalay in aan hoos u dhigno xanuunadii ay abaaruhu keenayeen oo ay ka mid yihiin Shuban-biyoodka, Oofareenka iyo Nafaqo-darada”.

Wasiir Xaglo-toosiye ayaa sheegay iney jiraan meelo ay ku guuleysteen xakameynta cudurrada abaarta ka dhasha, waxa uuna yiri:

“Waxaa farxad weyn ah inaan maanta sheegno meesha noogu daran oo ahayd Wajaale, waxaanu ku guuleysannay inaanu ka dhigno Zero, repot-ka aan helaynno waxa weeye saddexdii maalmood ee ugu dambeysay wax Shuban-biyood ah oo Wajaale nalooga sheegay ama ka dhacay, taasina waxay ku timid dadaalka shaqaalah caafimaadka, waxaanu wadaynaa dadaalkaa intaan gabi ahaanba tirtireyno xaruunadaas”.

Soomaaliya ayaa guud ahaan waxaa ka jira abaaro aad u ba’an oo si weyn u saameeyay xoolo dhaqatada, kadib markii uu marar badan soo raaggay roobkii ay ka heli jireen waraabka iyo calafka xoolaha.

Goobjoog News