U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Fariin U Dirtay Isbitaalada

Sheeko:Amniga

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay maamulayaasha isbitaallada gaarka loo leeyahay inay bukaannada daryeelka caafimaad usoo doonanaya ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa isbitaallada ku yaalla Muqdisho fartay in ay qaabilaan bukaannada si looga fogaado dayac ku yimaada bukaano u baahan daryeel caafimaad, iyadoo sheegtay in ay si taxadar leh u ogaan karaan xaaladda bukaanka kaddibne ay u soo gudbi karaan wasaaradda caafimaadka marka ay uga shakiyaan cudurka karoona fayris.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii Caafimaadka ee horay ay u bixin jireen,Waxaa ayna sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay qaar kamid ah dadka Muqdisho isla dhex marayeen warar ku saabsan in qaar kamid ah isbitaallada ay albaabada ka xirteen bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyagoo ka cabsi qaba cudurka karoona fayris.

Goobjoog News