U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladaha COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka COVID-19, waxaa ay   ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay guud ahaan dalka laga helay 36 kiis oo cusub, taas oo guud ahaan dalka ka dhigaysa dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus 2,755 qof.

Wasaaradda ayaa xustay in xaaladaahan laga kala helay gobolka Banaadir oo 4 xaalad ha, Somaliland 29 xaalad ah iyo Jubbaland oo laga soo diiwaan geliyey 3 kiis  , kiiska la shaaciyey 30 kamid ah waa Rag, halka 6 ay yihiin Dumar. wasaaraddu maanta ma shaacin wax kiis oo dhimasho ah, guud ahaa waxaa xanuunka ugu geeriyooda dalka 88 ruux.

Wasaaradda ayaa xustay in xanuunka ay ka soo bogsadeen 27 muwaadin, kuwaas oo horay uu u soo ritay xanuunka Coronavirus, dadka xanuunka guud ahaa dib uga soo caafimaaday ayaa gaarayo 751 ruux. Wasaaraddu wax kiisa ah kama  sheegin maamulada Galmudug, Puntland , Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, xanuunka ayaana sii yaraanayo.

Goobjoog News

 

>