U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Markale Digniin u Dirtay Isbitaalka Yerdimeri

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ku ceeliisay in maamulka Isbitaalka Yardimeri laga rabo in sida ugu dhaqasiyaha badan ay ku soo cadeeyaan shaqada ay ka hayaan  magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowziyo Abuukar Nuur ayaa lagu sheegay in wasaaradda mar kale Yardimeri hospital ay warqad u dirtay, lakiin maamulka isbitaalka wali aysan wax jawaab ah soo celin.

Sidoo kale qoraalka wasiir Fowziyo ayaa xusay in wasaaradda uu xil ka saran yahay hey’addii ka shaqeeyo arrimaha caafimaadka ruqsad shaqo ee dalka aanan heysan in ay shaqo joojin ay ku sameyn karto maadaama loo igmaday arrimaha caafimaadka.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka, shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse ma aha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka, waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka,  nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirka Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya.

Dhanka kale wasiir Fowziya Abuukar Nuur ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka.

Ugu dambeyn Hadalka maanta ka soo baxay wasiirka waasaradda caafimaadka iyo daryeelka burlshada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa u kuu aadayaa ayadoo dhawaan wasaaraddu ay isbitaalaka Yardimeri ku soo eedeysay inuu si ruqso shaqo caafimad uusan heysan.

Goobjoog News