U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas La Xiriira Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo dayeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay kiisas ku soo kordhay xanuunka Coronavirus kuwaas oo dhowaan dalka laga diiwaa geliyey 60 kiis

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa  lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay  ay dalka ku soo kordheen 20 kiis oo xanuunka COVID-19 ah taas oo tirada guud ee kiisas xanuunka ka dhigeyso 80. Wasaaradda ayaan cadeynin 20 kiis ee cusub goobaha laga kala diiwaan geliyey.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu yiri wasaaradda waxaa ay shacabka ugu baaqeysaa in qodkii isku arko xaalada xanuunka ah uu meel gaar isku karaantiilo.

Tirada guud ee kiisas ka xanuunka Coronavirus ee dalka waa 80 kiisa.

Wasaaradda ayaa sheegtay 20 kiis in ay yihiin kuwo cusub.

Waxaa bogsooday 2 kiis.

Dhimashada ayaa gaartay ilaa 5 kiis oo COVID19 ah.

Kiisaska cusub ee xanuunka Coronavirus ee wasaaradda ay shaacisay ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinba maalinta ka dambeyso bulshada dhexdeeda laga dareemayo cabsida la xiriirta xanuunka Coeronavisus magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaana ah goobta ugu badan ee laga diiwaan geliyey kiisaska.

GoobjoogNews