U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisaskii Ugu Dambeeyey Coronavirus

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ee xanuunka COVID-19, waxaa ay sheegtay in guud ahaan dalka maanta laga helay 9 kiis cusub oo xanuunka Coronavirus ah , taas oo tirada guud dadka uu ku dhacay ka dhigeyso 3,015.

Wasaaradda ayaa xustay  in bukaannada laga helay kiisaska cusub ay kala joogaan Somaliland: 3, Jubbaland: 3 iyo dowlad goboleedka Puntland  laga xusay : 3, oo xanuunka COVID-19 ah, bakannada lasheegay ayaa 7 kamid ah waa Rag, halka 2 ay yihiin Dumar.

Waxaa xanuunka ka soo bogsooday 45 ruux, taas oo ka dhigeyso dadka xanuunka ka soo caafimaaday  1,096, majiro muwaadin xanuunka ugu geeriyooday dalka, guud ahaan xanuunka ayaa tan iyo markii uu dilaacay waxaa ugu geeriyooday gudaha dalka 92 muwaadin.

Goobjoog News