U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kororka COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay korarka kiisas cusub oo ku aadan xanuunka Coronavirus ka dib markii bukaano hor leh baaritaanno lagu sameeyey waxaana  la helay 46 ruux  waxaana ku jira 5 ruux laga diiwaan gelayey Puntland halka 41 tahay gobolka  Banaadir.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lag sheegay baaritaankii maanta wasaaradda Caafimaadka ay samaysay la helay 46 ruux oo oo  la ogaaday in jirkooda uu jiro Varuska, waxaana ay tirada guud ka dhigeysaa 436 , waxaa sidoo kale jiray dhimashada 5 kiis waxaana ay buuxinaysaa tirada ugu dhimatay xanuunka dalka in ay tahay 23 qof

Natiijada ayaana u qorneyd sidaan.

Xaalada cusub 24-kii saacadood ee u dambeeyey ayaa ah 46:
 Gobolka Banadir: 41
 Puntland: 5

> Lab: 33

> Dhedig: 13

> Bogsasho: 0

> Dhimasho: 5

> Tirada Guud: 436

> Dhimashada Guud: 23

Bogsashada Guud: 10

Goobjoog News