U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya oo Shaacisay Kororka Kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale.

Deegannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 ruux, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Goobjoog News