U bood dhigaalka

Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sheegtay In Cutubkii Ugu Horreeyay Ee Ciidamada AMISOM Ka Baxeen Tuulada Ciyaaraha Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ay ka baxeen Tuulada ciyaaraha ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in garoonka uu muddo 30 sano ah ku jiray burbur xooggan, balse hadda ay ku bilaabi doonaan dib u habeyn.

“Markaan hadda nimid waxaan sameennay dedaallo aad u muhiim ah oo dib loogu soo celinayo bilicda garoonka, wejigii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ayaa ka baxay, waxaana hadda la diyaarinayaa sidii loo dayactiri lahaa”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku dedaali doonaan in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo garoonka Muqdisho oo ay u dhan yihiin dhammaan wax walbo oo ciyaaraha ku saabsan.

Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay fariisimo u ahayd ciidamada AMISOM, kahorna waxaa deganaa ciidanka Itoobiya, iyadoo burbur xooggan uu soo gaaray.

Goobjoog News