U bood dhigaalka

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Lagu Eedeeyay Qabasho La’aanta Tartankii Ciyaaraha Gobollada ee Maamulka

Sheeko:Dalka

Ciyaartooy ka kala tirsan saddex kooxood oo ka dhisan magaalada Hargeysa ayaa wasaaradda ciyaaraha Somaliland ku dhaliilay qabasho la’aanta sannadkii Shanaad ee Koobkii sannad ah ee ciyaaraha gobollada Somaliland.

Ciyaartooydan oo magaalada Hargeysa warbaahinta cabshadooda ugu sheegay ayaa waxay ku doodayaan in wasaaradda ciyaaraha ee Somaliland oo shaqada kaliya ee ay u xilsaaran tahay ay tahay ka shaqaynta arrimaha ciyaaraha ay gabtay dawrkii ay lahayd, madaama ay shan sanno oo isku xiga ayna qabanin ciyaariyihii gobolada marka laga reebo Hal mar oo sannadkii hore ay isku dayday balse hadana la sheegay in cilado farsamo awgeed ciyaartoydu ku laabtaan deegaanadoodii ay ka yimaadeen, sannadkanna ay dhaaftay waqtigeedii wax ballanqaad ahna aan la sameyn.

Jibriil Yuusuf oo kooxda Star ee kooxaha heerka koowaad ka tirsan ayaa warbaahinta u sheegay in dib u dhacan faraha badan ee ku yimid qabsoomidda ciyaaruhu uu keenay in dhallinyaro fara badan oo ku mashquuli lahaa amaba xiisaynayay ciyaaraha ay tahriibeen “Waxa ugu yar ee ay keeni karto ciyaar la’aantu waa dhallinyaradii qaybtan xiisanaysay oo tahriiba iyo iyagoo maandooriye ku bedela , hadana kooxda aan ka midka ahay ee Star oo kaliya ilaa 10 qof ka badan inta naga tahriibtay shantaa sanno, kuwa kalena way sii socdaan sidaan filaayo”, ayuu yiri Jibriil.

Ciyaartooydan oo sheegay in cabashooyin kala duwan oo ay wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada u gudbiyeen aysan wax jawaab ah oo ay ku qancaan cidina siinin waxay ku tilmaameen xaaladdan in loo baahan yahay hay’ado gaar ah oo ciyaaraha qabta madaama ay xukuumaddii ku guul darreysatay.

Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah ciyaartooydan waxa uu sheegay iney jiraan ciyaaryahanno deegaanno kale ka raadsaday kooxo ay u ciyaaraan, sida Muqdisho oo ay kooxaha ka dhisan ku kala biireen, amaba ciyaaro u doonta deegaanada kale ee Somaliland, waxa uu tilmaamay in aaney ciyaaruhu xuduud lahayn, hadana loo baahan yahay in Hargeysa la tartanto kooxaha magaalooyinka kale.

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaan sanadkan shaacin wax qorshe ah oo ay ka leedahay ciyaarihii sanad lahaa ahaa ee gobollada Somaliland ee la bilaabay 3 December 2011.

Goobjoog News