U bood dhigaalka

Wasaaradda Dastuurka Oo Tobabar Ka Furtay Cadaado

Sheeko:Dalka

Wasaaradda dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta degmada Cadaado ka furtay kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka.

Shirkan ayaa socon doona Afar maalin waxaana inta uu socdo diiradda lagu saarayaa arrimaha dastuurka iyo tababarka waxbarashada madaniga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamul goboleedka Galmudug Zakariye Maxamed Axmed ayaa sheegay in tobabarkan inta uu socdo ay bulshada uga faa’ideysan doonaan hanaanka habraaca dib u eegista dastuurka waxaa uuna yiri.

“Tobabarkan waxaa diiradda lagu saari doonaa wxbarashada rayidka iyo wacyigelinta bulshada, dastuurka Fedaraalka Soomaaliya waa qabyo waxaa uuna u baahanyahay in la dhameystiro waxaa maraxalad dhexe mareysa hanaankii lagu eegi lahaa dastuurka waxaa aan maanta halkaan u fadhinaa waa waajib ka mid ah midda lagu dhameystirayo dastuurka”.

Tobabarkaan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo dhan afar maalin waana kiisii saddexaad oo lagu qabtay Magaalada Cadaado waxaana muhiimaddiisa diiradda lagu saarayaa waxbarashada rayidka.

Goobjoog News