U bood dhigaalka

Wasaaradda Dhalinyarada Oo Ka Jawaabeysa In Ajnabi Ka Ciyaaraan Tartan Maamullada

Sheeko:Dalka

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay uga hadashay cabashooyin ay soo gudbiyeen ciyaartoyda Jubbaland, taasi oo ahayd in koxda Kubadda Cagta ee Banaadir uu u dheeley ciyaaryahay dhalashidiisu ay tahay Kenyati.

“Guddiga dishibiliinka iyo aadaabta SFF markuu dib u eegey eedeymahaasi oo soo baray waxaa uu soo saarey go’aanadan,

1: In ciyaaryahanka la yiraahdo CabndiMajiid Cusmaan Ibraahim(N0.9) oo katirsan ciyaartoyda Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir uusan ahayn Ajanabi uuna ka qeybgalikaro dhamaan tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

2: Waxaan dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka lagu wargelinayaa in ay ka qeybqaadan karaan qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ha heysto Bassbor nuucuu doono ha ahaado ayay tiri,” ayaay tiri Wasiirka Khadiijo Maxmed Diiriye.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmayaa xili ciyaartoyda Jubbaland ay cabasho ka keeneen ciyaar yahanka N0.9 uga ciyaarah Banaadir,kadib ciyaartii furitaanka oo halkaasi ku dhexmartay.

Goobjoog News